Laftagareen Oo Kala Hadlay Saraakiisha Guutada 9-Aad Dib U Xoreynta Deegaanno Horleh+Sawirro

Date:

Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulan looga hadlayay ciribtirka maleeshiyada shabaab ee Gobalka Bakool la qaatay Taliska Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Generaal Mukhtaar Maxamed Cabdulahi Geeseey taliyaha Guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulanka ay madaxweynaha la qaateen uu ahaa mid is xog wareysi ah.

waxaana intaasi uu ku sii daray in madaxweynuhu uu aad u daneynayay,howlaha ciidamada isagoo si weyn noogu guubaabiyay sidii kooxaha nabad-diidka ah looga dulqaadi lahaa shacabka reer KG oo in muddo ah dhibaato ku qabay kooxahaas, waxaanu sidoo kale uu inoo ballanqaaday wax badan oo lagu horumarinayo guutada.

Jeneraal Mukhtaar Geesey ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha KG. md C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen  ay isla soo qaadeen sidii loo soo dhameystiri lahaa qorshayaasha horumarineed ee loogu talo galay dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyay kooxaha nabad-diidka ah.

Ugu dambeyntii waxaa uu umahadceliyay taliyuhu qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Bakool, isagoo xusay iney yihiin shacab dulqaad badan misana ciidamada kala shaqeeya sidii guud ahaan degaannada KG loogu soo dabaali lahaa nabadgelyo waarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...