Midowga Yurub Oo Soo Dhoweeyey Wadahaladii Soomaaliya Iyo Somaliland Ku Dhexmaray Dalka DJibouti

Date:

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey wadahaladii Soomaaliya iyo Somaliland ee Djibouti ku dhexmaray 14-kii bishan June, waxa ayna ku tilmaameen in uu ahaa talaabo muhiim ah oo rajo gelinaysa shacbiga Soomaaliyeed iyo tan gobalka Geeska Africa-ba.

“Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wadahalka”, Midowga Europe ayaa sidaa ku yiri bayaan saxafi ah oo ay SONNA heshay.

Waxa yiraahdeen in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo madaxweynaha Somaliland, Muse Abdi waxaa ka go’an sii wadida in ay ka shaqeeyaan hurumarinta hanaankan nabbada.

Sii wadida wadahadaladan oo aan ku jirin wax car-qaladeeya, uuna ku socda si wanaagsan, waa habka kaliya ee lagu gaari karo nabbad, barwaaqa, iyo  amaan waara. Midowga Yurub oo goob-joog ka ah wadahadalan wixii dadaal iyo taageero ah lama baaqsan doonto, ayaa lagu soo gunaanudan bayaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...