Marwo Sacdiyo Yuusuf Oo Ka Mid Noqotay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

Date:

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta codka aqlabiyad leh ku ansaxiyay xubin ka mid noqonaysa Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Marwo Sacdiyo oo ka mid noqotay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka

156 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye oo maanta laga bilaabo si rasmi ah kaga mid noqoneysa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye ayaa kaga mahadcelisay Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta u codeeyay in ay ka mid noqoto Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaana ay balan qaaday inay u shaqayn doonto bulshadeeda si cadaalad ah.

“Waad ku mahadsantihiin in aad ii codeyseen, waxaan Alle ka baryayaa inaan noqdo qof guta shaqadiisa, Ummadda Soomaalyeed u wada noqda qof ay u simantahay, idinkuna shaqo badan ayaa idin taalo Alla waxaan idinkaga baryay in aad noqotaan kuwii ka soo baxa” ayay tiri marwo Sacdiyo Yuusuf.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...