Golaha Shacabka Oo Akhrinta 1-Aad Mariyay Hindisaha Dib U Eegista Sharciga Xisbiyada

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay ee kalfadhiga 7aad kulankiisa 1aad ee Baarlamaanka ayaa ka dooday sharciga Axsaabta siyaasadda, waxaana kulanka shir guddoominayay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Xildhibaannada Golaha ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda, iyadoo uu faah faahin dheeri ah ka bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabrdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa ugu horeyn Xildhibaannada u jeediyay warbixin ku aadan howlaha horyaala Baarlamaanka, gaar ahaan kalfadhiga 7aad, waxaana uu sheegay in sharciga xisbiyada siyaasada uu dalka muhiim u yahay.

“Guddigana waxaan ka codsaneynaa si deg deg ah in aad uga soo shaqeysaan, waxyaabaha ugu muhiimsan oo hadda aan ognahay waxaa waaye, Axsaab siyaasadeed ayaa abuurantay”. Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Baarlamaanka ayaa horyaala sharciyo dhowr ah oo muhiim u ah geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...