Ciidanka Xoogga oo khaarijiyay ku dhawaad 20 ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab

Date:

Kaddib howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen tuulooyinka Buulo-urunji iyo busleey oo hoosyimaada deegaanka Jannaale ee gobolka shabeellaha hoose ayay ku dileen 18 kamid ah maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee tuulooyinkaasi.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka uu yimid  kadib markii dadka degaanka ay la loo wadaageen xogta maleeshiyaadka dhuumaaleeysanayay sidaasna ay ugu suuragashay in howgal qorsheysan lagu dilo 18 kamid ah argagixisada, islmarkaasna laga gubay doomo ay isaga kala gudbi jireen Wabiga Shabeelle ee mara Jannaale iyo degaannada kale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska XFS oo Oslo kula kulantay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Norway

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Dowladda Japan 

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo dhaweeyay ansixinta hindise-sharciyeedka Dambiyada Saybarka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadam Macallim...