Wasiirka Amniga Galmudug Oo Kormeeray Xero Lagu Tababari Doono Ciidamada “Sawirro”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug ayaa kormeeray xerada tababarka ciidanka ee Indha Qaris oo ku taala duleedka bari ee deegaanka Docal ee Gobalka Mudug oo lagu wado in lagu tababaro maleeshiyaadka Gobalka Mudug.

Maamulka Galmudug ayaa doonaya in maleeshiyada la tababari doono ay ka mid noqdaan ciidamada daraawiishta ee Galmudug.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay waday qorshayaal lagu dar dar galinayo amniga deegaannada Galmudug, sidoo kalana wax looga qabanayay dhibaatooyinka maleeshiyaadka hubeysan ee aan cidna ka amar qaadan ay ka geysan jireen deegaannada Gobalka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Xerada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu xareeyo gaadiidka dagaalka ee ay heystaan beeluhu

Kormeerka Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale waxaa ku wehlinayay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...