Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday in ay dib usoo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwaasoo muddo bil ah ku xayirnaa dibadaha iyagoo doonayay in dalka ku soo noqdaan arintani ayaa waxaa fududeysay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku baaqday in dadka ay dib ugu soo laabtaan dalka islamarkaana ay u hogaansamaan tilmaamaha sharciga ee Kahortagga Cudurka Karoona.

Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa sheegay in ku dhowaad 114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalalka deriska sida dalka Kenya oo kale kuwaasoo si nabadgelyo leh ku soo gaaray garoonka caalamiga ee Aadan Cabdulle iyo magaalada Garowe ee Puntland.

Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bad-qabkooda caafimaad gaar ahaan feyruska Karoona kahor inta aanay soo safrin.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 1,594 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 204 ruux oo bogsatay iyo 61 ruux oo u geeriyootay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...