Ururrada Haweenka Oo Ka Shiray Xoojinta Wada Shaqeynta Ka Dhexeysa Iyo Horumarka Dalka

Date:

Kulanka oo Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay ayaa socday muddo saddex cesho ah waxaana looga hadlayay qorshaha istaraatiijiyadda ay ku shaqeyn doonan Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed iyo Ururrada Haweenka ee Dowlad Goballeedyada mudada shanta sano ee soo socoto.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Ururrada Haweenka dowladda goboleedyada  iyo  xubno ka tiran Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed .

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed Marwo Batuulo Sheekh  Axmed Gaballe  ayaa sheegtay in haweenku ay isku raaceen xoojinta iyo wadashaqeyta dhexdooda ah iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka dalka.

Dejinta qorshaha Istaraatiijiyadda shaqo ee shanta sano ee soocoto ay ku shaqeyn doonan Ururka Haweenka Qaranka iyo Ururrada Haweenka dowlada goboleedyada ayaa muhiim u ah wada shaqynta ka dhaxayso iyo howlaha adag ee horyaala Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...