QM: Bartamaha Soomaaliya Waxaa Ku Barakacay Hal Milyan Oo Qof.

Date:

Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ay wajahaysaa daadadkii ugu baโ€™anaa oo saameeyay in ku dhow hal milyan oo qof iyadoo ay 400,000 oo qof ay ku barakaceen sida ay sheegtay Qaramada Midoobay oo ka digtay suurtagalnimada in cudurro ay ka dhalankaraan goobaha ay dadku ku badan yihiin marka doonayaan in ay guryo KMG ka dhistaan meelaha lagu barakacay.

Xafiiska Isku xirka Howlaha Beniโ€™aadannimada ayaa sheegay in 24 qof ay ku dhinteen daadadkii ku dhuftay deegaanno ka tirsan degmooyinka Jowhar Iyo Beledweyne halkaasoo ay ku yaalaan dhulal beereedyada ugu badan ee Bartamaha Soomaaliya.

Beledweyne oo kutaala Gobalka Hiiraan waa gobalka uu sida xun u saameeyay kadib markii uu webiga Shabeelle oo qararka jabsaday oo buux dhaafiyay 85% magaalada iyo 25 tuulo oo uu maro webiga, sida ay sheegtayย  Qaramada Midoobay.

Waxaa jirta khatar sare oo muujinaysa in cudurro ka dhalankara gudaha magaalada Beledweyne xilli ay roobab mahiigaan ay weli ka daโ€™ayaan dhulalka sare ee dalka Itoobiya oo deris la ah Gobalkaasi.

In ka badan 400,000 oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku dhex socda biyaha fatahaadda oo buuxiyay waddooyinka si ay uga baxsadaan biyaha webiga Shabeelle, dadka ayaa

ka walaacsan in daadadka kale oo dheeraad ahi ay ku dhuftaan magaalada, iyadoo taariikhda daadadkii horey ugu dhuftay sanadkii la soo dhaafay ay yihiin kuwii ugu xumaa ee soomara taariikhda.

โ€œDaadadka halkan ayaa saameeyay guud ahaan magaalada. Dadku waxa ay ka walaacsan yihiin Badbaadadooda,โ€ sidaasi waxaa yiri Xasan Cilmi, oo deggan Beledweyne. โ€œCiidamada Dowladda ayaa caawinaya dadka, balse dadka itaalka daran iyo kuwa waayeelka ah waxa ay u baahan yihiin in la caawiyo si ay uga gudbaan biyaha waddooyinka buuxiyay oo si xoog leh ku socda.โ€

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in fatahaadda ay halis ku tahay in ay goyso wadada weyn ee isku xirta magaalada Beledweyne iyo garoonka diyaaradaha oo kuyaala meel ka baxsan degmada taasi oo carqaldeyn ku ah sahayda gargaarka beniโ€™aadannimada ee la gaarsiin lahaa magaaladaasi.

Kudhowaad 40% dadka magaalada Jowhar, oo ah magaalo ay daganyihiin 20,000 oo qof ay ka barakaceen guryahooda, sida ay sheegtay Wasaaradda Gargaarka Beniโ€™aadannimada iyo Maareeynta Masiibooyinka ee Hirshabeele State.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo booqasho ugu tagay Madaxweynaha Galmudug

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...