Degmada Garbahaareey Oo Xalay U Gudbay Wareegga Afar Dhammaadka Ee Tartanka “sawirro”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo caawa kulankiisa 25-aad wareegiisa 3-aad kulankiisa 2-aad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo Vs Garbahaareey oo ku kala yaala Goballada Jubbada Hoose iyo Gedo, barnaamijkan oo sanadkii 10-aad oo xiriir ah uu taabagelinayo maamulka Gobalka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs Garbahaareey ayaa muujiyay tartan aad u adag, islamarkaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Kismaayo:- Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya, waxaana ay iska qaldeen Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Kismaayo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Garbaareey:- Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Kismaayo, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbaareey waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa caawa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka.

Caawa haddii uu Alle idmo waxaa tartamaya ilaa iyo afar degmo, waxaana qeybta hore waxaa isku arki doona degmooyinka Dhuusamareeb Vs Buurhakaba oo ka kala tirsan Goballada Galgaduud iyo Baay, halka qeybta labaad waxaa tartamaya caawa Kaxda iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...