Degmada Garbahaareey Oo Xalay U Gudbay Wareegga Afar Dhammaadka Ee Tartanka “sawirro”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo caawa kulankiisa 25-aad wareegiisa 3-aad kulankiisa 2-aad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo Vs Garbahaareey oo ku kala yaala Goballada Jubbada Hoose iyo Gedo, barnaamijkan oo sanadkii 10-aad oo xiriir ah uu taabagelinayo maamulka Gobalka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs Garbahaareey ayaa muujiyay tartan aad u adag, islamarkaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Kismaayo:- Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya, waxaana ay iska qaldeen Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Kismaayo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Garbaareey:- Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Kismaayo, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbaareey waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa caawa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka.

Caawa haddii uu Alle idmo waxaa tartamaya ilaa iyo afar degmo, waxaana qeybta hore waxaa isku arki doona degmooyinka Dhuusamareeb Vs Buurhakaba oo ka kala tirsan Goballada Galgaduud iyo Baay, halka qeybta labaad waxaa tartamaya caawa Kaxda iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...