Boosaaso Oo Laga Furay Xarun Lagula Tacaalo Dadka Uu Soo Rito Covid-19 +Sawirro

Date:

Waxaa maanta axad ah  magaalada Bosaaso ee Gobolka Barri laga furay Xarunta maaraynta iyo daryeelka covid-19 oo loogu talagalay in lagu daryeelo dadka uu haleelo caabuqa dilaaga coroonafayris.

Xaruntan oo ah tii ugu horeysay oo laga helayo adeegyo dhammeystiran ayaa waxaa xariga wadajir uga jaray isuduwaha wasaarada caafimaadka Gobalka Bari, Duqa degmada Boosaaso, taliyaha qaybta Gobalka iyo wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland .

Waxaana dhammaan masuuliyiinka dowladda iyo saraakiisha ciidamada ay bulshada deegaanka  ugu baaqeen inay xarunta la soo xiriiraan si ummadda loo badbaadiyo cudurkaan halista ah ee  covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Puntland ayaa diwaangelisay guud ahaan tirada dadka uu soo ritay cudurkaan covid-19 deegaanada Maamulka Puntland 136 qof halka geeridu ay gaartay 5 ruux iyo sidoo kale 3 qof oo ka bogsootay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...