Qarax Lagu Dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug Ee Puntland Oo Gaalkacyo Ka Dhacayย 

Date:

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhaw lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland,ย  Alleha u naxariistee, Axmed Muuse Nuur (Daba-kariix), xilli uu ka soo baxay shir looga hadlayay ammaanka magaalada Gaalkacyo oo ka dhacay xarunta gobalka.

Warka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah illaalada guddoomiyaha iyo dad shacab ah ay wax ku noqdeen qaraxa oo ahaaย  mid ismiidaamin ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaana sheegatay masโ€™uuliyadda weerarka.

Dowladda Federal-ka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa cambaareeyey weerarkan argagixiso maanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale