Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Qaraxii Lagu Dilay Gud/Gobalka Mudug, Puntland

Date:

Muqdisho 17 May 2020, Dowladda Soomaaliya waxay cambaareynaysaa qarixii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo kaasi oo lagu dilay dad shacab ah iyo

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayay magaca dowladda ayaa sheegay in ay Murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaan shacabka Magaalada Gaalkacyo ee maanta weerarka argagixisada ah lala beegsaday.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka bahalnimada ee lagu dilay gudoomiyihiii gobolka Mudug Allaha u naxariisto Axmed Muuse Nuur yare iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dowladda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Qoysaska iyo Ehaladii ay

waxyeeladu kasoo gaadhay weerarkaasi.Waxayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in meel looga soo wada jeesto ladagaalanka iyo cidhibtirka Argagixisada oo aan cidna utudheynin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...