Golaha Wakiilada Galmudug Oo Maanta Ansixiyay Golaha Wasiiradda Cusub ‘Sawirro’

Date:

Barlamaanka dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb cod aqlabiyad leh ku ansixiyay golaha Wasiiradda cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor-Qoor’ .

Kulanka golaha maanta waxaa soo xaadiray 78 mudane ee ka tirsan Barlamaanka dhammaan waa ay ansixiyeen.

Sidoo kale munaasabada waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor-Qoor) Madaxweyne ku xigeenka Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Gacal iyo ku xigeenadiisa .

Dhammaan tirada golaha wasiirada ay maanta meel mariyeen Barlamaanka ayaa ka koobnaa 61 waxaana isla munaasabada lagu dhaariyay 25 Wasiir, 11 Wasiiru Dowle iyo 25 Wasiir ku-xigeeno.

Waxaana sidoo kale ay madaxda sare ee Galmudug kula la dardaarmay wasiirada in ay sidii loogu talo galay ugu adeegaan shacabka waxaana ay u rajeeyeen in ay ka soo baxaan waajibaadka loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Xoogga Dalka oo la kulmay saraakiil ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Yaaqshiid oo u gudubtay wareega labaad ee Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Yaaqshiid oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururada Siyaasadda Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...