Wasaaradda C/fimaadka XFS Oo Qalabka Kahortagga Covid-19 Gaarsiisay Galmudug+Sawirro

Date:

Wasaaradda C/fimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta agab Caafimaadka gaarsiisay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Gobaleedka Galmudug taasi oo loogu talagalay ka hortaga iyo xakameynta cudurka dalka kusii faafaya ee covid-19 .

Agabkaan oo isugu jiray  Sariiro iyo qalabkale oo looga hortaga cudurka safmareenka ayaa waxaa kala wareegay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug waxaana ay ku bogaadiyeen dadaalka wasaaradda ay dowlad-goboleedyada ku geyneyso daawooyinka iyadoo si wadajir ah looga shaqeynayo ka hortaga cudurkaan qatarta ah Karoona Feyrus.

Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada  ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga iyo xakameynta Covid-19 u dirtay  gobolada Sool iyo Sanaag.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan galineyso sidii loo xakameyn lahaa caabuqaan adduunka uu sida xooggan ula dagaalamayo ee covid-19 iyadoo la kaashaneyso dhammaan dowlad-gobolleedyada dalka si loo ilaaliyo bad-qabka shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...