Wasaaradda C/fimaadka XFS Oo Qalabka Kahortagga Covid-19 Gaarsiisay Galmudug+Sawirro

Date:

Wasaaradda C/fimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta agab Caafimaadka gaarsiisay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Gobaleedka Galmudug taasi oo loogu talagalay ka hortaga iyo xakameynta cudurka dalka kusii faafaya ee covid-19 .

Agabkaan oo isugu jiray  Sariiro iyo qalabkale oo looga hortaga cudurka safmareenka ayaa waxaa kala wareegay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug waxaana ay ku bogaadiyeen dadaalka wasaaradda ay dowlad-goboleedyada ku geyneyso daawooyinka iyadoo si wadajir ah looga shaqeynayo ka hortaga cudurkaan qatarta ah Karoona Feyrus.

Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada  ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga iyo xakameynta Covid-19 u dirtay  gobolada Sool iyo Sanaag.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan galineyso sidii loo xakameyn lahaa caabuqaan adduunka uu sida xooggan ula dagaalamayo ee covid-19 iyadoo la kaashaneyso dhammaan dowlad-gobolleedyada dalka si loo ilaaliyo bad-qabka shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...