Ciidanka Xoogga oo heshiis dhex dhigay beelo ku dagaalamay Mudug

Date:

Mudug:-(SNTV)-Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka General C/Casiis C/laahi Cabdi “Qooje” ayaa  sheegay in lagu guulestay heshiis hordhac ah oo  la  dhax dhigay beelo  ku dagaalamay deegaanka Laas-Gacameey oo 15-Km u jira Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Taliyaha  ayaa sheegay in ay si buuxda ugu guuleysteen in la xaliyo Coladii ka taagneyd degaanka Laas-Gacameey, islamarkaana go’aan lagu gaaray in ciddii  heshiiska baal marta tilaabo laga qaadi doono.

Kulanka heshiisiinta oo socday muddo Lix cisho ,isla markaana ay ka qeybgaleen Odayaasha dhaqanka iyo madaxda Taliska Qaybta 21-aad ee  Ciidanka Xoogga Dalka ,waxaa lagu  go’aamiyay  in laga gudbo muranadii jiray ku waasi oo ragaadinaya nabada iyo horumarka degaanka  iyo howlgalada Ciidamadu ay ku doonaayeen  in ay ku wajahaan deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan Gobolka Mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...