Guddoomiyayaasha labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay.

Date:

Muqdisho:-(SNTV)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi  oo ay wehliyaan safarkooda xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay Dalka.

Waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore Ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Wadanka Turkiga ayaa diyaarada gaar ah kasoo qaaday Dalkaasi ,iyada oo ay weli hakad ku jiraan duulimaadyadii caadiga ahaa ee dunida inteeda kale sababo la xiriira Cudurka safmareenka ee CoronaVirus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...