Reer Garbahaareey Oo Ka Cabanaya Biyo Laโ€™aan Baahsan+Sawirro

Date:

Muddooyinkii u danbeeyay waxaa biyo laโ€™aan baahsan soo wajahay degmada Garbahaareey ee xarunta Gobalka Gedoย  ka dib markii ceelka kaliyaha oo ay biyaha ka heli jiraan uu halaabay waxaana ay sababtay in gabi ahaanba la la waayo biyihii macaanka iyadoo uusan jirin ceel kale oo biyaha macaan ay ka heli karaan dadka kunool Garbahaareey.

Maamulka degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa isku dayaya inay wax ka qabtaan xaaladaan soo wajahday bulshada iyagoo kaashanaya saraakiisha ciidanka xoogga eek u sugan demada.

โ€œWaxaan ku jira sidii aan wax uga qaban laheyn xaaladaan culus ee soo wajahday bulshada degmada taasi oo ah cilada ku timid ceelka sidaan ku xalin laheyn inagoo kaashaneynaa ciidanka xooga โ€œAyuu yir Guddoomiyaha degmada garbahaareey Xasan Sheikh Cilmi Jaamac.

Guddomiyaha degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka gedo Xasan Sheikhย  Cilmi Jaamac ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya iyo dadka ka soo jeeda gobolka gedo in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda biyo laโ€™aan ee heysata bulshada ku dhaqan degmadaan iyagoo haatan isticmaala biyo dhanaan taasi oo ay ka dhalin karaan cudurada faafa โ€œayuu ku daray guddoomiyaha degmada Garbahaareey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale