Reer Garbahaareey Oo Ka Cabanaya Biyo La’aan Baahsan+Sawirro

Date:

Muddooyinkii u danbeeyay waxaa biyo la’aan baahsan soo wajahay degmada Garbahaareey ee xarunta Gobalka Gedo  ka dib markii ceelka kaliyaha oo ay biyaha ka heli jiraan uu halaabay waxaana ay sababtay in gabi ahaanba la la waayo biyihii macaanka iyadoo uusan jirin ceel kale oo biyaha macaan ay ka heli karaan dadka kunool Garbahaareey.

Maamulka degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa isku dayaya inay wax ka qabtaan xaaladaan soo wajahday bulshada iyagoo kaashanaya saraakiisha ciidanka xoogga eek u sugan demada.

“Waxaan ku jira sidii aan wax uga qaban laheyn xaaladaan culus ee soo wajahday bulshada degmada taasi oo ah cilada ku timid ceelka sidaan ku xalin laheyn inagoo kaashaneynaa ciidanka xooga “Ayuu yir Guddoomiyaha degmada garbahaareey Xasan Sheikh Cilmi Jaamac.

Guddomiyaha degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka gedo Xasan Sheikh  Cilmi Jaamac ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya iyo dadka ka soo jeeda gobolka gedo in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda biyo la’aan ee heysata bulshada ku dhaqan degmadaan iyagoo haatan isticmaala biyo dhanaan taasi oo ay ka dhalin karaan cudurada faafa “ayuu ku daray guddoomiyaha degmada Garbahaareey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...