Kheyre: “Hadii Aan Xal Waara Loo Helin Daadadka Iyo Maamulka Biyaha Lama Gaarayo Horumarka”

Date:

R/Wasaaraha Jamh.mudane Xasan Cali Kheyre oo guddoomiyay kulan looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto.

Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka. Madaxweynaha HirShabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda hadda jirta iyo talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa.

R/Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda oo dhexda ka dabaaleyna dhibaatada ka dhalatay Karoona ay hadana ay wajeheyso xaalad bini’aaninimo oo ka dhalatay wabiga Shabeelle ee karkaarrada jabdaday, kaas oo baabi’iyay dhul beereed, guryo dumiyay, ganacsiyadii waaweynaa saameeyay, kumannaan dad ahna barakiciyay. Daadadka Beledweyne waa kuwa soo laalabta, sanad kastana qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayeyna geytaan.

R/Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin lasii ogyahay, waxuuna ka qayb galayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa inta daadaka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar.

Waxaa sidoo kale la bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabeellee, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaadatay hay’adaha gargaarka iyo Ururrada samafalka gudaha Dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka oo Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...