Warfaafinta Oo Qalabka Kahortagga Covid-19 Ku Wareejisay Ciidanka Booliska

Date:

Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Wacyigalinta Qaran ee COVID-19 Maxamed C/di Xayir ayaa qalabka kahortagga cudurka dillaaga ee Covid-19 ku wareejiyay Taliska  ciidanka Booliska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaliya  Jeneraal C/di Xasan Maxamed Xijaar oo guddoomay qalabkaan oo isugu jiray mid afka iyo sanka lagu daboosho iyo galoofiska gacmaha ayaa u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geeysatay dadaalka lagu keenay qalabkaan loo gaashaanto Coronavirus.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisaka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Qaran ee COVID-19 ayaa sheegay qalabkaan in loogu  talagay ciidanka booliska ee shaqada ku jira har iyo habeen si ay uga hortagaan cudurka in la qaadsiiyo ama ay dad qaadsiiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...