Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Oo Sheegay In Uu Bilowday Barnaamijka Baxnaano

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa oo marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka Todabaadka ee waraahin qaranka ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano uu bilaawday lixdii bishaan islamarkaana uu gaaray 17,666 qoys oo Soomaaliyeed ee Guud ahaan dalka oo lacagtooda loogu shubay teleefonadooda gacanta.

Marshuucaan waxaa ilaa iyo haatan laga fuliyay deegaano ka tirsan Maamulada Jubbaland,Koofur-galbeed iyo Galmudug.

Halka Maamulada Hirshabeelle iyo Puntland ay dhawaan gaari doonaan maadaama ay socdaan qorshahii lagu gaarsiin lahaa ama loo xulan lahaa in dadkii loogu talagalay la gaarssiyo .

Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliland ay ka mid tahay goobaha la geyn doono hase ahaatee ay ka duwan tahay maamulada kala oo si gaar loo qiimeyn doono.

โ€œSoomaaliland waa kaย  mid tahay qorshaha in la gaarsiiyo Mashruuca Baxnaano hase ahaatee waa ka duwan tahay Maamul-goboleedyada kale ee dalka waxaana u qiimeyn doono si gaar ah โ€œSidaas ayuu yiri wasiirka Sadiiq Xirisi warfaa.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid ay leedahay Dowladda Soomaaliyeed waxaana ka taageeray Bankiga aduunka waxaan bishii setember iyo sanadkii tagay ee 2019 lasoo marsiiyay golaha wasiirada ee Xukumadda Federaalka Soomaliya waxaana loogu talagalay in lagu taageero dadka saboolka ah eek u nool guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furayย  18 bishii april Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaskeenna danyarta ah, iyada oo wajigiisa 1-aad ay ka faaโ€™iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...