Tartamayaasha Kaxda Oo U Soo Gudbay Wareegga 2-aad Ee Tartan Cilmiyeedka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa Afar iyo Tobnaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Heliwaa Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Heliwaa Vs Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Heliwaa

Tartameyaasha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Heliwaa ay heleen waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Heliwaa, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka shan iyo tobnaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Garoowe Vs Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobolada Nugaal iyo Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...