Qadar oo Soomaaliya u soo direysa gargaar caafimaad

Date:

Amiirka Qadar, Tamim bin Xamad Al Thani, ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqay in dalka Soomaaliya loo soo diro gargaar caafimaad oo wax ka tara dadaallada looga hortagaaayo cudurka Covid 19.

Amiirka oo soo saaray ย hadal kooban ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah loo abaabulo gurmad caafimaad oo loo soo diro Soomaaliya,isagoo intaa raaciyay in dalka Qadar uu ka qeybqaadanaayo dadaallada Soomaaliya ee lagula dagaallamayo viruska Corona.

Tan iyo markii uu bilowday caabuqa Corona, dalka Qatar waxay gargaar caafimaad siiyeen dhowr waddan oo adduunka ah, oo ay ku jiraan Falastiin, Lubnaan, Tunisia, Algeria, Iran, China, Italy, Nepal, Rwanda iyo Somalia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...