Ololaha wacyi-galinta bulshada Covid-19 oo si rasmi ah uga furmay muqdisho

Date:

Muqdisho:(SNTV)-Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir Maareeye Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Dowladda Soomaaliya Cusmaan aadan Dhuuboow,Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullaahi iyo Gudddoomiyaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maanta oo axad ah kormeer ay ugu kuur galayeen sida ay usocdaan ololaha wacyigelinta ku tageen Degmooyinka Shangaani,C/Casiis Iyo Boondheere .

Kormeerkaan ayaa ah mid lagu boorinayo ololaha wacyigelinta ee ka soconaya dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si looga hortago Cudurka ku sii fidayo dalka ee Karoona Feyrus waxaana iska kaashanayo Wasaaraddaha Warfaafinta,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,Caafimaadka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday olole Balaaran dalka oo dhan oo lagu wacyigelinayo bulshada sidii layskaga kaashan lahaa xakameynta cudurka Covid -19.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...