Mascuud Ozil oo dadka danyarta ee ku nool Soomaaliya ugu deeqay raashin lagu Af-furinayo

Date:

Mascuud Ozil ayaa sheegay in u afurin doono 16,000 qof oo Muslimiin ah bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah.

Dhanka kale Laacibkan ayaa 90,000 ayaa dadka Soomaaliya ee Dan yarta ah ugu deeqda cunto Af-fur ah, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu garage £80,000 uu gacanta ka saaray Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga.

Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa waddankaas u sheegay in sannadka oo dhan ay quudiyaan dadka baahan, isagoo uga mahaceliyay  muxsiniinta sadaqada ugu tabaruca dadka danyarta bish Ramadaan.

Kerem Kinik ayaa sheegay in u mahadcelinyo dadka isku hawlay in ay la qaybsadaan walaalhooda af-furka bisha Ramadaan ayna  ku garab istagyaan   kuwa u baahan 365-ka kalmaada.

Ozil ayaa hore ula shaqeeyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, iyadoo markii uu guursaday uu u dhiibay lacago lagu quudiyo qoysaska baahan.

Xiddigan caalamiga ah ee xulka qaranka Germany oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, waxa sannadkii uu sadaqo ku bixiyaa lacag lagu qiyaasay £2 Ozil ayaa dhowaan iska diiday inuu ogolaado in Arsenal ay mushaharkiisa ka jarto lacag dhan 12.5 boqolkiiba oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdu ogolaadeen, hase yeeshee waxa muuqata in lacagtiisa uu u adeegsanayo bixiinta kalmaada dadka u baahan in loogu tabaruuco ee  Diinta Islaamku jidaysay oo uu Allah ugu dhowaanayo.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...