Dowladda Soomaaliya oo Xoojineysa ololaha wacyigelinta ka hortaga Covid-19

Date:

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Nuur Maxamed xasan , Wasiirka warfaafinta Xukummada Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir  xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya, agaasimayaal iyo madaxda degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay kulan heersara ah oo lagu xoojinaayo wacyigalinta ka hortaga cudurka Coronovirus.

Kulankan oo ka dhacay aqalka Dowlada hoose Xamar ayaa lagu faray agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo maamulada degmooyinka in wacyigalin xoogan ay ka fuliyaan Degmooyinka  si looga hortago cudurka halista ah ee Covid-19.

Kulankaan ayaa waxa uu hor dhac u ahaa Olole lagu  wacyigelinayo bulshada Caasimada iyadoo laga fulin doono dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si loo xakameeyo Cudurka dalka ku sii fidayo ee Karoona Feyrus.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojineyso ololaha lagula dagaalamayo Cudurkan qatarta ah ee Covid-19 waxaana tirada dadka usoo ritay ay gaartay in kabadan 600 qof iyadoo dadka u geeriyooday gudaha dalka ay gaartay 28 waxaana ilaa iyo hada ka caafimaaday 31 qof tan iyo markii uu dalka soo galay.  

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo 34 Sano kadib dib u howlgalisay Maamulka tooska ah ee Boostada Caalamiga ah 

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatey Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...

Xidhibaan Qawdhan oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka 

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda...