Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo qalab lagula tacaalayo Covid-19 gaarsiisay Dhuusamareeb

Date:

Diyaarad siday gar gaar Caafimaad ayaa saakay ka dagtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Agabkan Caafimaad oo ay Dowladda Soomaaliya gaarsiisay Dhuusamareeb ayaa isugu jiray maaska afka lagu xerto, agabka gacmaha la gashto iyo qalabkale oo dhammaantood loga tala galay in loo isticmaalo ka hortaga cudurka karoona.

Wafdi ka socday Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka iyo guddiga qaran ee la tacaalida Cudurka Covid -19 ayaana gaarsiiyay qalabkaan Maagalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore qalab Caafimaad oo loogu talagalay ka hortaga Cudurka Karoona gaarsiisay Magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo taasi oo qeyb ka ah daawo ay Dowladdu gaarsiineyso dhammaan Maamul Goboleedyada dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...