Wasaaradda Awqaafta XFS Oo Deeq Raashin Ah Uqeybisay Qaar Ka Mid Ah Macalimiinta & Imaamyada Muqdisho+Sawirro

Date:

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta deeq Raashin ah u qeybisay qaar ka mid ah Macalimiinta Dugsiyada Qr’aanka iyo Imaamyada Masaajida ee Magaalada Muqdisho taasi oo loogu talagaly bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Deeqdaan ayaa waxa ay ka timid Hay’adda Bisha CAS Turkiga iyadoo maanta ay Wasaaradda Awqaafta  ay ka qeyb-bisay Masajidka isbaaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalkad Soomaaliya Cismaan aadan Dhuuboow ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga waxaana uu intaa ku daray in xilligaan lagu jira uu yahay mid ka duwan marxadahii hore maadaama uu dalka la tacaalayo Cudurka Karoona …Cod

”Waxaan uga mahadcelinayaa Hay’adda Bisha Cas deeqda ay nasoo garsiisay si aan imaamyadda iyo Macalimiinta Duqsiyafa Qur’aanka qaarkood aan u siino afurin madaama uu dalka saameeyay cudurka Covid-19 iyo sidoo kale bisha Barakeysan ee Ramadaan”

Sidoo kale Wasiirku waxaa uu u digay dadka wax kusoo qaato inay u gurmanayaan dadka danyarta ah ee aanan sidii loogu talagalay u gaarsiinin deeqaha ay soo qadaan waxaana uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono cidii lagu helo falkaasi.

“Waxaan udigayaa dadka wax kusoo qaata inay dadka danyarta ah u gargaarayaan hadane aan sidii loogu talagalay u gaarsiinin laguna helo falkaasi foosha xun sharciga la horgeyn doono”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...