Madaxweyne Farmaajo Oo Xil Ka Qaaday Guddoomiye K/Xigeennada Maaliyadda & Hawlaha Guud Ee G/Banaadir

Date:

Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.

“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobalka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,

Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26-ka Abriil, 2020.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...