Mashruuca Baxnaano waxa uu yimid wakhti ku haboon ! (Qormo)

Date:

Waxaan daawaday muuqaal lagu daah-furay mashruuc loo bixiyay ”Baxnaano” oo dowladda Soomaaliya ay dhaqaale lacageed oo qoondaysan ku siinayso qaar ka tirsan danyarta Soomaaliyeed ee loo gartay in ay baahida ugu badan u qabaan qoondadan.

Labo arrin ayaa markiiba igu soo dhacday marka aan muuqaalkaas arkay:

  • Tan koowaad waa, in Alle SWT ku hanuuniyay hoggaanka dalka in ammaanada ay qaadeen ay uga soo baxaan ugu yaraan qaab niyad wanaag iyo rabitaan leh.
  • Tan labaadna waa in hal-ku-dhigga dowladdan ee ah ”Nabad iyo Nolol” uu dhaboobay ama uu qarka u saaranyahay in uu dhaboobo. Ku celcelinta hadal wanaagsan oo dhegaha u roon wuxuu ku soo aadaa sida marar badan dhacda wakhti ay samadu furantahay oo uu Alle SWT ajiibo wixi afka addoomihiisa ka soo baxa,Waxaan tan ula jeedaa, in Alle aqbalay ujeedada ku hoos duugan oraahda ”Nabad iyo Nolol” oo ah labada ammuurood ee ayna sida aadka ah ugu il-darannahay.

Waxaan hadda ku jirnaa wakhti iyo waayo uu qofba taagtiis uga gaashaamanayo xanuun aan daawo iyo daryeel laheyn, waxa kaliya ee lagula tacaali karana lagu sheegay in ay tahay ”guryaha oo la jooga, dhaqdhaqaaqa iyo xiriirka dadkana la yareeyo”. Waa yaab! Taladaas wax miyeey u taraysaa qofka ku nool meerto-nololeedka loo yaqaan ” Nin quwaax helay, Nin qaroon helay, Ha la qarafsado”? Jawaabto waa maya, waayo waxaa qofkaas la deris ah ”labo kala daran mid dooro”.  Waa Gaajo guri og iyo cudur geeri og!

Mar haddii haahaabad waa hagar la’aane ay dowladdu dhabarka u ridatay nafaqaynta tira qoondaysay, waxaa dad badan oo adiga iyo aniguba aan ku jiro la gudboon in ay dhankooda ka billaabaan samatabixinta walaalaheenna kale ee tirada badan oo aysan gacanta dowladdu wada gaari karin.

Ganacsatada Alle wax siiyay waxaan aaminsanahay in ay dalka iyo dadka u faa’iideeyeen kana faa’iideysteen, sidaas darteedna ay mudan yihiin in loo mahadceliyo.

Mahadcelintaas ka sokow waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo ku aaddan in ay gacan u fidiyaan dadka markoodii hore dan-yaraa oo diihaalka gaajada qabay haddana dunida kale la qaba dayaca uu Korona keenay.

Dowlad waa shacab, shacabna waa dowlad! Gacmo wadajir ayeey wax ku gooyeen, isgarabsiga waa lagu guulaystaa!

 W/Q: Cabdi Muuse Macalin

Qoraagu waa Suxufi madaxbanaan, Macalliin Saxaafadeed, Turjubaan iyo Nabadjire

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...