Wasaaradda Caafimaadka Oo Shaacisay 41 Xaaladood Oo Ku Soo Korortay Covid-19

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo baxay oo nuqul kamid ah ay hehsey Wakaaladda Wararka SONNA ayaa waxaa ay ku faah faahisay xaalado cusub oo ku soo kordhay Covid-19.

Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 41 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 328 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.

Sidoo kale waxaa jirta ,2 qof oo u geeriyootay xanuunkaasi,waxaana tirada guud ay ka dhigaysaa 16 qof,sidoo kale  labo kale ayaa bogsootay,waxaana guud ahaan tirada bogsoshada noqonaysaa ilaa 8 ruux.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xakameyn lahaa faafidda xanuunkaasi,iyadoo ay socdaan dadaalo badan oo bulshada lagu bad-baadinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Golaha Wasiirada EAC

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Tababar ugu soo xiray Saraakiil Soomaaliyeed dalka Serbia

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo shir caalami ah uga qeybgaleen dalka Uganda 

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda oo kulan Qaahira Wasiirka Arrimaha Barlamaanka dalkaas

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya...