Gobalka Banaadir Oo Daah-Furay Olole Lagu Buufinayo Jidadka Muqdisho- “Sawirro”

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah-furay ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19 oo si adag u saameeyay Caalamka.

Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir.

G/kuxigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir  ahna G/Guddiga ka hortaga cudurka Covid-19 ee Dowladda Hoose Basmo Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in dhamaan wadooyinka iyo suuqyada Degmooyinka Gobolka Banaadir la gaarsiin doono buufiska si looga hortago cudurkaan ku sii fidayo Magaalada ee Karoona .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulkiisa uu labo laabi doono ololaha wacyigelinta ka hortaga Cudurka Covid-19 iyo sidoo kale inay hubin doonaan bandowga magaalada la saaray in sidii loogu talagalay uu u qabsoomo iyadoo xooga la saarayo xakameynta Cudurka Covid-19 oo dalka laga diwaan geliyay kiisas kabadan 200.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...