Dagaalkii Kismaayo  Oo Lagu Guuleystay In La Kala Dhex Dhigo Ciidamo Si Loo Qaboojiyo

Date:

Wararka Laga Helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa muujinaya in xiisaddii colaadda ee u dhaxeysay labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay lahaanshiyaha deegaan kuyaala dulleedka Kismaayo la kala dhex dhigay ciidamo iyadoo ay xaaladdu haatan tahay mid deggan.

Ciidamada Ammaanka ayaa ku guleeystay in ay kala dhexgalaan si loo joojiyo collaadda dhalisay in uu qarxo dagaal hubeysan kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa gudaha deegaanno ay ka mid yihiin Fuuma, Kooyaamo iyo Jiiroole oo qiyaastii 50 Km dhanka Galbeedka kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose.

Dagaalkan oo dhowr jeer ku soo noq-noqonayay deegaannadaasi ayaa sal ku hayay lahaanshaha dhul deegaan ah oo ku yaalla halkaasi.

Waxaa socota qabanqaabo ay halkaasi uga socdaalayaan Odayaal iyo wax garadka deegaanka, kuwaasi oo ku wajahan degaannadii ay dagaalada ka dhaceen si loo kala nabadeeyo beelahii ku dagaalamay deegaankaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...