Dhameystirka Xeerarka Sharciga Doorashooyinka Qaranka Oo Laga Dooday “Sawirro”

Date:

Guddiga Wadajirka ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa kulankii 3aad ee la-tashi iyo xogwareysi ku saabsan dhamaystirka xeerarka sharciga Doorashooyinka Qaranka la yeeshay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka oo uu shir-Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka iyo isxog-wareysi ku aadan 4-ta xeer ee guddiga loo soo xilsaaray in ay ka soo shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Guddi-wadajirka KMG ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka Mudane Ibraahim Isaaq Yarrow ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil “Xallimo Yareey” latashiyada iyo talooyinkooda muhiimka ah ee la xariiro xeerarka dhamaystirka ah ee sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...