Wasiirka Maaliyadda XFS oo Abidjan kulan kula yeeshay Madaxa Bankiga Afrika

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Ivory Coast ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Kulan ay yeesheen labada masโ€™uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen dib u habeynta horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta.

”Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi adesina aan ka wada hadalnay dib u habeynta iyo horumarka dhaqaalaha Soomaaliya”, sidoo kale waxaan isla qirnay muhiimadda ay leedahay xoojnta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika kadib deynta cafinta.

”Waxaan aad ugu mahadcelinayaa madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan ka gaarnay is badalka Maaliyadda waxaan si gaar ah u bogaadinayaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaraadaha kale ee dalka oo dhamaantood si loo gaaro guushan u huray wax kasta oo ay awoodeen” sidaa waxaa yiri wasiir beyle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...