Wasiirka Wasaaradda Waxbashada Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay Arinka Dugsiyadda Sare Ee Puntland.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/laahi Goodax Barre ayaa markale ka hadlay xiisada wasaaraddiisa kala dhexeysa dowlad goboleedka Puntland.

Goodax Barre oo ka jawaabayay hadalkii ka soo yeeray ardayda dhigata iskuulada ku yaalla deegaannada Puntland kuwaasoo dhowaan dalbaday in aan la siyaasadeyn waxbarashadooda.

Wasiirka oo u jawaabayey ardaydaas oo muuqaalladooda lagu baahiye Internet-ka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay garab istaagto arday kasta oo Soomaaliyeed, si uu helo waxbarasho dhameystiran, islamarkaana ardayda wax ka barta deeganada Puntland ay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka.

“Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si uu u helo waxbarasho dhammeystiran, islamarkaana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barata deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka”. ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasaaraddiisu aysan dan gaar ah ka laheyn Puntland, balse ay muhiim tahay in ay galaan imtixaanaadka Qaranka ee dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...