Aqalka Sare Oo Maanta Meel-marinaya Sharciga Doorashooyinka Dalka

Date:

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu meel mariyo sharciga Doorashooyinka Qaranka oo maalmihii la soo dhaafay uu Aqalku ka doodayay, kadib markii uu u saaray Guddi Sharcigan ka soo baaraan-daga.

Doodda uu maalmihii la soo dhaafay Aqalka Sare ku eegayay sharcigan ayaa ahayd mid leh kala duwanaansho dhinaca aragtida ah iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaannada ay tallooyin ka soo jeediyeen qaar kamid ah qodobo kujira sharcigan iyagoo soo jeediyay in lagu bedelo qodobo kale.

Senatarada Haweenka ah ee ka tirsan Aqalka Sare ayaa maalmo ka hor buuq ka keenay qodobka 23-aad ee faqada 4-aad ee sharciga, taasoo ka hadleysay qoondada Haweenka.

Senatarada Haweenka ah ee Aqalka Sare ayaa ku doodaya in %30 kuraasta loo xiro Dumar kaligoodna ku tartamaan, taasoo loo arko in aysan Dastuuri ahayn hadii sidaas loo dhigana laga yaabo in ay furto buuq cusub oo keeenaya in qodobadii lagu diiiday Sharcigii ay soo diyaarisay Xukuumada ee ka hor imaanayay Qodobka 89-aad ee Dastuurka.

Inkastoo sharcigan wax ka bedel lagu sameeyay qodobadii horay u soo diyaarisay Xukuumadda, inta badan laga saaray qodobadii ka hor imaanayay dastuurka ayaa la filayaa in doodda Senatarada kaddib in cod loo qaado.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 28-kii bishii December ee sanadkii 2019-kii ansixiyay sharcigan, waxaana marka uu Aqalka sare meel mariyo la filayaa in Madaxweynaha loo gudbiyo si kama dambeys uu u meel mariyo, si ay u dhaqan gasho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Cusub ee CXDS oo ballanqaaday hoggaan hufan iyo sii wadidda halganka amniga

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto...

Taliyihii hore ee CXDS oo ka warbixiyay wixii u qabsoomay intow xilkaan haayay

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas...

Munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo si rasmi ah uga socota Muqdisho

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee...

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo maanta lagu qabaayo Muqdisho

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka ayaa goordhow...