Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku dhigay carruur si qasab ah lagu askareeyay “SAWIRRO”

Date:

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameynayay deegaanno ka tiran gobolka Bakool ayaa gacanta ku soo dhigay carruur muddo sideed bilood ah (8) ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku heysteen deegaan lagu magacaabo Doodaali oo ka tirsan Gobolka Baay, halkaas oo Al-Shabaab ku tababarayaan carruur waaladiintooda si xoog ah ay uga soo wataan, kuwaasi oo inta badan laga qafaashey dhulka miyiga ah ee gobolka Bakool.

Carruurtaan oo tiradoodu tahay 9  iyo labo darawal oo u kaxaynaysay mooto seddex lugooleey oo ay saarnaayeen ayaa lasoo qabtay xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaannada Abal iyo Labaatan-jirow ee ka tirsan Gobollada Baay iyo Bakool.

Carruurta ayaa la isugu keenay saldhigga booliska degmada Xudur, halkaasi oo su’aalo dheeraad ah lagu weydiinayo.

Xasan Salaad Ibraahim waa 12 sano jir sideed bilood ka hor Al-Shabaab ay ka kaxaysay deegaanka Dudumaale oo qiyaastii 30km dhanka bari ka xiga magaalada Xudur ee gobolka Bakool, waxaana uu xusay inay si qasab ah ku askareeyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay ka qafaasheen deegaankii uu ku noolaa.

Guddoomiyaha Amniga ee Degmada Xudur Ibraahim Isaak Ibraahim (Shaati) ayaa sheegay in carruurtan si qasab ah lagu askareeyey, ujeedkuna ahaa in loo adeegsado gumaadka shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in ciidamada xoogga ay ku guuleystaan inay soo qabtaan carruurtan la askareeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...