Dowlada Federaalka Soomaaliya oo dalbatay in loo soo gacan geliyo eedeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan).

Date:

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida.

Nidaamka Cadaaladeed ee dalkeenu waxa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacwadaha, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma ahan wax la aqbali karo in eedaysane baxsad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo...

Wasiirka Kalluumeysiga oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah JFS, Mudane...

Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo ka furmay Muqdisho

Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha ayaa si...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaannada Carabta

Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Carabta oo maalintii labaad ka socda...