Itoobiya oo fashilisay weerar ay damacsanaayeen Kooxda Al-Shabaab.

Date:

Isaga oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada Barlamaanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa uu sheegay in ay fashiliyeen Weeraro ay damacsanaayeen Maleeshiyaadka Shabaab in ay ka geystaan gudaha Itoobiya.

“Al Shabaab waxa ay dooneysay in Weeraro la mid ah kuwa Kenya ay ka fuliso Dalka, balse nasiib wanaag, waxaa arrintaasi diiday oo ka hortagay Ciidamada Ammaanka” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha oo arrimaha la weydiiyay ay isugu jireen Siyaasadda, ammaanka, iyo doorashooyinka sanadkaan ayaa tusaale usoo qaatay arrinta Argagaxisada gaar ahaan Shabaab.

Waxa uu sheegay in diyaar garow xooggan iyo howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay suurtagalisay in laga hortago Weeraradaasi.

“Al-shabaab ayaa magac ahaan la sheegay mooyee waxaa jira xoogag badan oo Al-shabaab ka baxsan oo aan aaminsanahay inay doonayaan wiiqidda amniga Itoobiya,” ayuu hadalka ku daray Abiy.

Itoobiya waxaa hadda kusoo wajahan doorashooyin sanadkaan 2020, iyada oo Dowladda ay la tacaaleyso wax ka qabashada ammaanka tan iyo markii uu isbadalka ka dhacay dalkaasi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...