Wasaaradda caafimaadka oo bilowday baarista dadka soo galaya dalka Si Looga hortago Coronavirus

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa  bilowday baaritan caafimaad oo lagu sameynayo dadka safarka ee isticmaalaya garoonka diyaaradaha   Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ololaha baarista ah ayaa looga goleeyahay ka hortaga feyriska dilaaga ah ee Coronavirus oo dhawaan ka dilacay dalka Shiinah  kasoo usoo gudbay dalalka caalamka dadka ayaa lagu baaraya gudaha garoonka marka ay soo dagaan si looga hortago halista ka imaan karta cudurkan.

Dhakhaatiirta Caafimaadka oo ay ugu tala gashay wasaaradda  ayaa lageeyay garoonka si ay usameyan  baaritaanka ku aadan cudurka Coronavirus oo gud ahaan  caalamka ay ka muujiyeen  digniino qatar ah.

Qalabka loogu tala galay in lugu baaro ayaa la dhigay qaybta hore ee laga soo galo garoonka  diyaaradda si loo xaqiijiyo xaaladdaha caafimaad ee dadka isticmaalaya diyaaradaha u kala gudbaya gudaha dalka iyo dibada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...

Kulan looga hadlayay ilaalinta carruurta ee ka hortagga colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...