Dibad-baxyo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa oo ka socdo qeybo ka mid Galmudug “Sawirro”

Date:

Dibad-baxyo nabadeed oo lagu taageerayo doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa ka socoto maanta Magaalooyin ka tirsan gobolada dhexe ee Somalia oo hoos taga Maamulka  Galmudug.

Dibad Baxyada ugu weyn ayaa ka dhacaya Magaalada Cadaado halkaasoo ay iskugu soo baxeen qeybaha bulshada iyo waxgaradka magaalada oo taageero u muujiyey Madaxweyne Qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa, iyagoo watay boorar lagu sawiray madaxda Galmudug.

Sidoo kale dibad-bax nabadeed oo ay soo qabanqaabiyeen Dowladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo ayaa ka socdo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug , waxa ay muujiyeen Bulshada Ku dhaqan magaalada Gaalkacyo sida ay u taageersan yihiin Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Cusub ee shalay la doortay.

Sidoo kale Magaalada Dhusamareeb ayaa Hadda waxaa ka socanaya Banaanbax Nabadeed oo lagu Taageerayo Doorashadii Shalay ka dhacday Magaalada Dhusamareb laguna Doortay Madaxwaynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa waxaana ka soo Qaybgalay Boqolaal ka mid ah Bulshada Magaalada Dhusamareeb.

Banaanbaxyada lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa ka socdo qeybo badan oo ka mid ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...