Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay xarun caafimaad oo laga hirgelinayo Kaxda

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay mashruuc Degmada Kaxda oo lagu dhisayo xarun Caafimaad oo bulshada si bilaash loogu adeego.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mid lagu hirgalinaayo goob waxbarasho oo carruurta si lacag la’aan ah wax ugu bartaan iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeesto.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in mashaariicda uu maamulka Gobolka Banaadir ka hirgelinayo Degmada ay soo dhaweynayaan, maadaama ay yihiin baahiyaha gaarka ah ee ka jirta degmada Kaxda.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan hirgalinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada ku nool caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo dhagay xarunta caafimaadka ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib u dhiska Caasimadda.

                   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...