Howlgal lagu soo qabtay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Laamaha Amniga ee maamul  Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay faahfaahin guud ka bixiyeen howlgallo ka dhacay gobolada Gedo iyo Jubada hoose, kaas oo ay fuliyeen Ciidamada.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in howlgalladaas ay Ciidamada Jubbaland ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sidoo kalena qaarkood ay nolosha ku qabteen.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta kula hadlayay magaalada Kismaayo waxaana uu sheegay in howlgalka laga sameeyey deegaannada Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Jamaame.

Howlgaladaas guulo waaweyn ayey ka gaareen ciidanka fuliyey, sidoo kalena ciidamada ayaa dilay Afar Xubnood oio ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab kana qabsadeen saanad Milateri sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...