Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo Sheegay in aysan Ogayn Qorshayaal Ay iiraan Ku Weerarayso Qaar Ka Mid Ah Safaaradaha America ee Caalamka.

Date:

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay inuusan arkin  xog ay ka heleen ama ka timid saraakiisha sirdoonka maraykanka taasoo tilmaamaysa in Iiran ay qorsheyneysay inay weerarto afar safaaradood oo maraykanku ku leeyahay dalalka caalamka, arintan oo Madaxweyne Donald Trump uu hore u tilmaamay kadib dilkii General Qaasim Suleymaani.
Esper ayaa tilmaamay inuu Madaxweyne Trump ku raacsan yahay xogta tilmaamaysa inay dhici karaan weerarro kale oo lagu qaado safaaradaha Mareykanka ee caalamka, laakiin ilaa hadda ma muuqdaan tallaabooyin ka dhan ah safaaradaha America ee caalamka.
Xoghaye Esper ayaa intaa ku daray in dhamaan safaaradaha maraykanka ee caalamka uu la wadaagay arrimaha tilmaamaya suurta galnimada inay dhici karaan weeraro ka dhan ah safaaradaha isla markaana uu ku adkeeyey inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan. Wixii ka danbeeyey markii la xaqiijiyey geerida Qassem Soleimani oo ku dhintay duqayn xagga cirka ah oo Mareykanku ka geystay caasimadda ciraaq ee Baqdaad, waxaana dawladda maraykanku ay u aragtaa dilka sulaymaani in ay ka hortageen khatar halis ku ahayd dibloomaasiyiinta iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq iyo dhamaan dalalka bariga dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...