ciidanka Jubbaland oo khasaarooyin kala duwan u geystay nabad-diidka al-shabaab

Date:

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si guud faah faahin uga bixiyey howlgaladii ay saacadahii lasoo dhaafay sameeyeen ciidanka Jubbaland iyo guusha ay gaareen ciidanka Jubbaland,isagoo xusay in howlgalku kusoo dhamaaday sidii loo qorsheeyey.

Dhinaca kale,abaanduulaha guutada 1-aad ee ciidanka daraawiishta Jubbaland Aadan Cabdulqaadir ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal ay ka fuliyeen deeganno dhaca duleedka magaalada Kismaayo iyo guulihii uu ku soo dhamaaday howlgalkaasi oo uu tilmaamay in ay khasaarooyin dhimasho,dhaawac iyo hub furasho ay ku sameeyeen kooxda al-Shabaab ah

Howlgalkaan oo kuwii u dambeeyay ay ka dhaceen Yaaq Bishaaro,Cabdalla Biroole iyo deegaanno kale,ayaa warku intaa ku daray in uu qeyb ka yahay dadaallo la doonayo in lagu xaqiijiyo sugidda nabadgelyada,isla markaana cagta lagu marinaayo haraaga koooxda al-Shabaab eek u dhuumaaleysanay deegaanada Jubbaland

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...