Odayaasha dhaqanka oo bilaabay soo xulidda Xildhibaanada Galmudug

Date:

Odayaasha dhaqanka  Galmudug ayaa  bilaabaya soo xulista  Xildhibaanadda ka mid noqonaya Baarlamanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii tababar  ku saabsan qaabka soo xulista Xildhibaanadda gelinkii dambe ee shalay loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo ah Wariyaha nooga soo warama Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in odayaashan la xareeyay islamarkaana laga sugayo in ay soo gudbiyaan liiska Xildhibaanadda cusub ee ka mid noqonaya Baarlamanka labaad ee Galmudug.

Gudoomiyaha guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa  ku booriyay odayaasha in ay ku soo xulaan Xildhibaanadda aqoontooda, isagoo intaasi ku daray in la abaalmarindoono sadexda beelood ee ugu horeysa soo xulista Xildhibaano Aqoonyahano ah.

Marka laga reebo Ahlusunna oo soo gudbisay Xildhibaannadeeda waxaa odayaashan looga fadhiyaa in ay soo xulaan Xildhibaanadda kale, iyagoo ku jaangooynaya habka awoodqeybsiga beelaha dega Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...