Maareeyaha cusub ee golaha Murtida oo maanta xilka la wareegay.

Date:

Munaasabadda uu xilka kula wareegay maareeyaha cusub ee golaha Murtida iyo Madadaalada C/qaadir Cabdi “Shube” oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” agaasimaha guudC/raxmaan Yuusuf Sh. “Al cadaala” iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.
Maareeyihii hore Maxamed Abuukar Axmed “Ma’da” oo goobtaasi ka hadlay kaddib markii uu xilka ku wareejiyay maareeyaha cusub ayaa sheegay in shaqada golaha laga soo bilaabay meel hoose haddana ay mareeyso meel gabagabo ah, isagoo ku dhiirrigeliyay maareeye Shube in uu howsha halkeeda ka sii wado.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa Maareeyaha cusub u rajeeyay in uu ku guuleysto xilka loo magacaabay, isagoo intaasi ku daray in wasaaraddu ay gacan ku siindoonto gudashada waajibaadkiisa.
“”Maareeyihii hore wax wanaagsan ayuu soo qabtay , maareeyaha cusub ee xilka la wareegayna waxaan u rajeeynayaa shaqo wacan maaddaama uu yahay qof waayo arag ah oo muddo badan soo shaqeeynayay” Sidaasi waxaa yiri wasiir Maareeye oo ka hadlay goobtii xilwareejinta.
Maareeyhaha cusub ayaa kadib markii uu xilka wareegay waxa uu booqday golaha Murtida iyo Madadaalada oo dhismihiisu haatan meel gabo gabo ah marayo, wuxuuna warbixin ka dhageeystay Injineerrada iyo howlwadeennada ka shaqeeynaya dhismaha golahaasi.
Golaha Murtida iyo Madadaalada, Maktabada Qaranka, Matxafka Qaranka iyo dhammaan goobihii taallooyinka taariikhiga ah ayaa lagu dhisay ololaha loogu magacdaray Isxilqaan oo ay garwadeen ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December)...

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane...

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...