Aargada Kilomitre Zero Oo Dayactir Lagu Sameeyay Xariggana Laga Jaray.

Date:

Dhismaha aargada KM-0 oo ay si casri ah u dhistay wakaalada horumarinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa xariga kajaray guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Goobtan ay bilicda ka muuqato waa KM-0 waana halka ay ka bilaabato tirada cabirka laga qaado guud ahaan gobolada dalka iyo degmooyinkiisa iyadoo darbiga ama gidaarka dhismaha lagu qoray qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo inta ay isku jiraan.

Degmooyinka Cabdicasiis, Shibis iyo Shangaani ayey sidoo kale kulmisaa aargadaan KM-0  waxaana guddoomiyaha Degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa ka mahadceliyay.

Maareeyaha Wakaalada Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in dhismaha aargada KM-0 ay ku wareejin doonan dowlada hoose Xamar.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed (Hijaar) wax uu ka hadlay ahmiyada ay goobtan lee dahay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Maamulka gobolka oo kaashanaayo DFS ay xoojin doonaan hirgalinta mashaariic waxtar uleh Bulshada iyo Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...