Bandhigga Safarka & Dalxiiska Oo Muqdisho Ka Furmay.

Date:

Shirka Bandhigga safarka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho isagoo noqonaya kii ugu horeeyay oo dalka ka qabsoomay.

Madax kala duwan ayaa ka qeyb galay furitaanka bandhigga, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md.Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Wasiirka warfaafinta Md.Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),  Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} iyo xubno kale ayaa ku sugan furitaanka Bandhigga.

Wasiirka Warfaafinta XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir oo ka hadlay ayaa sheegay in bandhiggaan muhiimka ah uu tusaale u yahay in Soomaaliya ay ku soo laabaneyso fagaarayaasha caalamka ee tan iyo burburkii ay ka maqneed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...